Sign in to follow this  
Deeq A.

Shir u dhexeeya dowladda dhexe & dowlad goboleedyada oo furmay

Recommended Posts

Deeq A.   

Magaalada Muqdisho waxaa xalay ka furmay shir u dhexeeyo dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, kaas oo looga hadlayo xaaladda dalka.

Shirkaan ayaa waxaa intiisa diiradda lagu saarayaa dhismaha guddiga heer federaal iyo heer dowlad Goboleed ee xalinta khilaafaadka, doorashada, waqtiga la magacaabayo tirada xubnaha la doonayo iyo qodobo kale oo ku aadan doorashooyinka 2020/2021-ka.

Sidoo kale waxaa shirka lagu soo qaaday sidii loo adkeyn lahaa heshiiska ay ka gaareen doorashada oo ay meel mariyeen labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya.

Doorashada iyo howlaheeda ayaa la filayaa in la guda galo wixii ka dambeeya bisha soo socota, si looga faa’iideysto waqti yar ee muddo xileedka uga haray hay’adda dowladda.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this