Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Faah faahino ka soo baxaya dab ka kacay Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in goor dhow uu dab xoogan ka kacay gudaha magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulka Galmudug.

Dabka ayaa wuxuu ka billowday kaalin shidaalka lagu iibiyo oo ku taalla bartamaha magaaladaasi, waxaana lagu soo warramayaa inuu ku sii fiday goobo kale.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in markii dambe shacabka iyo laamaha amniga oo iskaashanaya ay ku guuleysteen daminta dabkaasi.

Illaa hadda lama soo warin wax khasaare nafeed ah, balse waxaa jiro mid maaliyadeed oo xoog leh oo soo gaaray goobaha ganacsiga ee uu dabku ku fiday.

Dhuusamareeb ayaan la aheyn wax dab damis ah, iyada oo marar badan uu ku soo laa-laabtay dabka ka kacaya gudaha magaaladaasi.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

120366651_632315050990040_2391336459967059052_n 120419787_2933665870193908_6296231644870483757_n 120356982_1434937000038847_8876553735897027163_n

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this