Sign in to follow this  
Deeq A.

Galmudug oo diiwaan gelisay kiis cusub oo Covid-19 ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaradda Caafimaadka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa shaacisay in degaannada Maamulkaas markale uu kusoo laba kacleeyay cudurka safmarka ah ee Coronavirus, isla markaana kiisas kamid ah laga helay gobolka Mudug.

Isku-duwaha Wasaaradda Caafimaadka Galmudug ee  Gobolka Mudug Cabdi Maxamed Xirsi ayaa sheegay in baaritaan la sameeyay ilaa iyo hadda la diiwangeliyay hal kiis.

Waxaa uu hadalkiisa intaasi uu ku daray in bilihii lasoo dhaafay ay aad u yaraatay hadal-heynta ku saabsan Cudurka Coronavirus, isla markaana bulshada Soomaaliyeed aysan muujineyn wax dadaal ah oo looga hortagayo.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this