Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul wasaaraha Lubnaan oo is casilay kadib markii uu awoodi waayay in uu Xukuumad soo dhiso

Recommended Posts

Deeq A.   
Lubnaan.jpg?resize=1000%2C562&ssl=1

Ra’isulwasaaraha cusub ee Waddanka Lubnaan Mustafa Adib ayaa maanta shaaciyya in uu is-casilay, ka dib markii uu ku guul-darreystay dadaal muddo bil ah qaatay oo uu ku rabay in uu ku soo magacaabo golahiisa wasiirrada.

Arrintaan ayaa dhabar-jab ku noqoneysa dadaalkii ay dowladda Faransiisku ku dooneysay in hogaamiyeyaasha siyaasadda Lubnaan ay xal deg-deg ah uga gaaraan qalalaasaha haatan ka taagan waddanka oo lagu tilmaamay kii ugu xumaa tan iyo dhammaadkii dagaalkii sokeeye ee Lubnaan ee 1990-kii.

Ra’isulwasaaraha is casilay Mustafa Adib, oo horayna u ahaa safiirkii Lubnaan ee dalka Jarmalka ayaa codka kalsoonida ka helay Golaha Baarlamaanka 31-kii bishi hore, ka dib markii uu magacaabistiisa ku taliyay madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron.

Faransiiska oo saameyn siyaasadeed ku leh Lubnaan ayaa ku dadaalaya sidii loo heli laa xukuumad si deg deg ah wax uga qabata musuq-maasuqa Lubnaan, islamarkaana dhaqan-gelisa is baddallada ay beesha caalamku dooneyso, si loo helo balaayiin dollar oo wax looga qabanayo dhaqaalaha liita ee Lubnaan.

PUNTLAND POST

The post Ra’iisul wasaaraha Lubnaan oo is casilay kadib markii uu awoodi waayay in uu Xukuumad soo dhiso appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this