Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Filish oo kulan deg-deg ah iskugu yeerey xildhibaanada iyo wasiirada beesha Hawiye iyo arrin taagan

Recommended Posts

Deeq A.   
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir, Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa kulan aan la shaacin iskugu yeeray  Xildhibaano ka tirsan labada gole,  gaar ahaan kuwa Beesha Mogadishu Clan, sida ay ogaatay Caasimada Online.
Filish ayaa caawa kulan casho sharaf ah iskugu yeeray xildhibaanada beesha Mogadishu Clan ku metela labada gole ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, kaasi oo ka dhacaya huteel ku yaal magaalada Muqdisho.
Marti-qaadka guddoomiyaha ee kulankaasi ayaa Xildhibaanada loogu kala direy fariimo loogu wargelinayo, sida ay Caasimada Online u sheegen xildhibaano ka qeyb-galay caawa kulankaasi.
Sida ay ogaatay Caasimada Online, Kulankaasi ayaa looga tashan doona 13-ka xubnood ee metelaada gobolka Benaadir, oo hore loogu canaantay inuu Filish kaga hadlin Shirkii Muqdisho ee ka dhacay Villa Somalia.
Kulanka caawa ee Filish uu fidiyay marti-qaadkaasi ayaa waxa ka qeyb gali doona xildhibaano iyo wasiiro kasoo jeeda Beesha Mogadishu Clan.
Wuxuuna kusoo aadaya kulankan, xili Filish lagu eedeynayo inuu si weyn uga gaabiyay metelaada gobolka, isla markaana uu magac ahaan uga qeyb galay shirarkii Dhuusamareeb-3 iyo midkii Muqdisho ee lagu gaarey heshiisyada Doorashada 2020/2021 oo aan marnaba looga hadlin qoondada gobolka ee uu mas’uulka ka yahay.
Meel-marinta metelaada gobolka Benaadir ayaa waxa weli ka taagan dood xoogan, iyada oo arrintaasi ay meel adag iska taageen madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, Siciid Deni iyo Axmed Madoobe, oo iyagu qeyb ka ah ololaha lagu rabo 13-Mudane.

The post Xog: Filish oo kulan deg-deg ah iskugu yeerey xildhibaanada iyo wasiirada beesha Mogadishu Clan iyo arrin taagan first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this