Sign in to follow this  
Deeq A.

Booliiska Kenya oo loo haysto dilal ay dadka u geystaan inta uu jiro bandowga Covid-19

Recommended Posts

Deeq A.   

Afar hay`adood oo u dooda xuquuqda aadanaha ayaa doonaya in magdhow la siiyo dhibbanayaasha ay tacaddiyada u geysteen Booliiska Kenya.

Hay`adaha Amnesty International Kenya, International Justice Mission Kenya, Haki Africa iyo Kituo cha Sheria ayaa gudbiyay codsi ah in lacag magdhow ah la siiyo shan qof oo ay tacaddiyo u geysteen Booliiska, inta uu socday bandowga Covid-19.

Waxay dacwad ka gudbiyeen Taliyaha booliiska, wasiirka Ammaanka iyo xeer ilaaliyaha guud.

Waxay ku eedeeyeen inay gudan waayeen waajibkooda ku aaddan ilaalinta xuquuqda dadka, iyadoo ilaalinta shuruucda bandowga ay horseedday dhimasho, dhaawac iyo xatooyo lagula kacay ganacsiyo.

Hay`adaha ayaa dalbaday in magdhow dhan 500,000 oo shilinka Kenya ah ($4,600) la siiyo shanta dhibbane.

Dadka ay u doodayaan waxaa ka mid ah Yassin Moyo oo 13 sano jir ahaa kaas oo lagu toogtay balakoonka gurigooda, xilli ay booliisku xoojinayeen bandowga habeenkii.

Hal sarkaal booliis ayaa loo maxkamadeeyay dilka Yassin, wuxuuna bannaanka ku joogaa damaanad.

Dhibbanayaasha kale waa Joseph Simiyu, Judith Simiyu, Daniel Waithugi Nga’nga iyo Jacktone Ouma Ochilo.

Dowladda ayaa khafiifisay bandowga iyadoo xilliga uu bilaabanayo dib u dhigtay laba saacadood.

Xigasho: BBC-da

PUNTLAND POST

The post Booliiska Kenya oo loo haysto dilal ay dadka u geystaan inta uu jiro bandowga Covid-19 appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this