Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay ka wada-hadleen Xaliimo Yarey & safiirka Sweden ee Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Qaranka, Xaliima Ismaaciil (Xaliimo Yarey) ayaa xafiiskeeda ku qaabishay safiirka Sweden ee Soomaaliya Amb. Staffan Tillander.

Labada Mas’uul ayaa ka wada-hadlay xaaladihii u dambeeyay ee doorashooyinka iyo isbadelladii dhacay maalmihii la soo dhaafay maadaama dalka uu galayo waqti doorasho.

Sidoo kale waxa ay ka wada-hadleen geedi socodka dimuqaraadiyadeynta Dalka iyo tageerada Sweden ay ka gaysanayso dhismaha iyo tayeynta Guddiga Madaxabannan ee Doorashooyinka Qaranka oo aasaas u ah geedi-socodka hanaan doorasho oo dimoqoraadi ah oo ka qabsooma Soomaaliya mustaqbalka.

Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Xaliimo Yarey ayaan wax saameyn ah ku yeelan doonin doorashada soo socota maadaama heshiiskii la gaaray uu dhigayo in la magacaabo guddi doorasho oo ka kala socda heer federaal & heer dowlad goboleed.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this