Deeq A. Posted September 24, 2020 Wararka laga helayo gobolka Gedo ayaa sheegaya in xalay markale ciidamada Kenya ay duqeymo xoogan ka fuliyeen deegaano hoostaga degmada Ceelwaaq ee gobolkaasi. Duqeynta oo ka dhacday deegaano ay ku sugnaayeen dad reer Mii ah ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay geysatay khasaare kala duwan oo soo gaaray dadka shacabka ah. Ugu yaraan labo qof ayaa ku dhintay duqeymahaasi iyo sidoo kale tiro dhowr neef oo Geel ah, sida uu Shabelle u xaqiijiyey, Nabadoon Cabdirashiid Macalin Gaas. Shalay ayey aheyd markii ciidamada Kenya ay dad shacab ah oo gaarayey illaa saddex ruux ay ka afduubteen duleedka degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo. View the full article Share this post Link to post Share on other sites