Sign in to follow this  
Deeq A.

GAAS oo farriin culus u diray Ra’iisul wasaaraha cusub

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland, marna Ra’iisul wasaare ka soo noqday dalka, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ka hadlay xaaladda siyaaasadda dalka, siiba ansixinta Ra’iisul wasaaraha cusub.

Gaas oo wareysi gaar ah siiyey VOA ayaa sheegaya in Ra’iisul wasaare Rooble ay u taallo shaqo adag, islamarkaana uu heysto muddo aad u kooban.

Sidoo kale wuxuu kula taliyey inuu daacad u ahaado Madaxweynihiisa iyo dalka, si looga wada shaqeeyo arrimaha doorashooyinka ee 2020/2021-ka.

“Doorashadu waa shaqo adag oo siyaasadeed laakin ra’iisul wasaaraha waxaa u taalla shaqadii xukuumadda, sida arrimaha amniga, dhaqaalaha, doorashooyinka, waxaana ugu baaqayaa in uusan noqon nin damac kale leh ee waa in uu Madaxweynihiisa iyo dalkaba daacad u noqdaa.” ayuu yiri siyaasiga caanka ah ee Cabduweli Maxamed Gaas.

Waxa kale oo uu ku booriyey in wasiiro cusub aanu soo magacaabin ee uu sii haysto wasiiradii horey u joogay oo uu tilmaamay inay qaban karaan shaqada hortaalla.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo haatan Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen oo shalay codka kalsoonida ka helay Golaha Shacabkain isaga oo soo dhiso xukuumad ka shaqeyso fulinta heshiiska laga gaaray doorashooyinka Soomaaliya.

 

The post GAAS oo farriin culus u diray Ra'iisul wasaaraha cusub first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this