Sign in to follow this  
Deeq A.

Afar Qof Oo Ku Geeriyooday Guri Dumay Oo Ku Yaalla Tog-wajaale

Recommended Posts

Deeq A.   

Alle ha u naxariistee 4 Qof ayaa ku geeriyooday 11 kalena way ku dhaawacmeen, ka dib markii uu galabta ku soo dumay dhisme Bakhaar ah oo ay ka shaqaynayeen oo ku yaala degmada Tog Wajaale.



Weriyahayaga Gobolka Gebilay Ayaanle Xaaji oo khadka Telefoonka kula hadlay Guddoomiyaha Gobolka Gebilay Cabdikariin Aadan Xaaji Diiriye oo ku sugan Magaaladda Wajaale ayaa sheegay in afarta qof ee dhimatay uu ku jiro Mulkiilihii lahaa dhismaha Gurigaasi dumay, waxa kale oo uu Guddoomiyuhu sheegay in dadkii ku dhaawacmay dhismahaasi la geeyay Cisbitaalka Guud ee Magaaladda Gebilay oo haatan lagu dabiibayo

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this