Deeq A. Posted September 23, 2020 Qoraal ka soo baxaya wasaaradda caafimaadka Puntland ayaa lagu shaaciyey kiisas cusub oo cudurka COVID-19 ah, kadib baaritaano la sameeyay maalmihii la soo dhaafay. Warka ka soo baxay wasaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in la baaray 108 Ruux, 21-kii iyo 22 bishan, isla markaana xanuunka Covid19 laga helay 14 qof oo kamid ah dadkaasi Dadka xanuunka laga helay ayaa la sheegay inay dhamaantood joogaan Garoowe, waxaana 14-ka qof ee xanuunka laga helay ay da’doodu u dhexeysaa 20 sano jir ilaa 73 jir. Tirada guud ee dadka xanuunka laga helay deegaannada Puntland ee shaybaaradu xaqiijiyeen ayaa gaartay 499 qof waxaa u dhintay 9 qof waxaa ka bogsaday 230 qof. View the full article Share this post Link to post Share on other sites