Sign in to follow this  
Deeq A.

Siyaasiyiin Ka Qeyb Qaatay Heshiiskii Israa’iil Iyo Imaaraadka Oo La Xiray

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Falastiin)-Xoogagga amniga Falastiin ayaa xidhay tiro kamid ah taageeriyaasha siyaasiga Falastiiniga ah ee dibad joog ah kuwaas oo lagu eedeeyay in ay Imaaraadka kala shaqeeyeen heshiiska Israa’iil iyo Imaaraadka ee dhowaan la saxeexay, sida uu sheegay afhayeen u hadlay kooxdaas.

Siyaasiga Mohammed Dahlan ayaa ku nool dalka Imaaraadka Carabta ka dib markii laga mustaafuriyay dhulka Israa’iil gumeysato ee daanta Galbeed 2011-kii, arrintaas oo timid markii si weyn isku khilaafeen Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas iyo xisbigiisa Fatax oo Dahlaan xubin ka ahaa.

Dalalka khaliijka carabta ayaa dhowaan waxay heshiis la galeen qaarkood Israa’iil waxayna taasi abuurtay in Dahlan lagu eedeeyo in uu arrintaas door ku leeyahay. Kooxda Dahlan ayaa dalalka Carabta ku dhaleeceysay xidhiidhka ay la yeesheen Israa’iil ka hor inta aan xal loo helin mushkuladda falastiin, hase yeeshee ma aanu diidin doorkiisa ku aadan arrintan socota.

Isniintii, laamaha amniga Falastiin ayaa xidhay toddobo kamid ah taageeriyaasha kooxda Maxamed Dahlan, sida uu sheegay afhayeenka kooxdaas Imad Muxsin waxaa uu intaas ku daray in xadhiga dadkan ay siyaasad ku lug leedahay.

War qoraal ah, oo ka soo baxay laamaha ammaanka Falastiin ayaa lagu sheegay in Xalabi laga soo xidhay xaafadda magaalada Nablus oo u dhow daanta galbeed waxaana lagu sheegay bayaanka in talaabadan ay qeyb ka tahay soo celinta amarka iyo kala dambeynta degaanka.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this