Sign in to follow this  
Deeq A.

Cabdi Shire “Haddii Madaxweynaha uu nagala hadlo doorashada durbaano ayaan ku yeerineynaa”

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaan Cabdi Shire Jaamac (Ciyaar Jecel) oo wareysi gaar ah siiyey Shabelle ayaa ka hadlay arrimo ku aadan kulanka maanta ay yeelanayaan Golaha Shacabka Soomaaliya oo lagu wado inuu ka qeyb-galo Madaxweynaha, si uu u horgeeyo Ra’iisul wasaaraha cusub.

Ciyaar Jecel ayaa sheegay in Madaxweynaha ay Durbaano iyo wax ka darabn ku yeerin doonaan, haddii uu kala hadlo arrimaha doorashooyinka dalka.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay inay ka soo horjeedaan heshiiska laga gaaray doorashada ee u dhexeeyey dowladda dhexe, dowlad goboleedyada iyo G/Banaadir.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo lagu wado in Sabtida soo socota heshiiskaas la horgeeyo labada Goled ee baarlamaanka Soomaaliya, si ay u meel mariyaan.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this