Deeq A. Posted September 23, 2020 Faah faahino kala duwan ayaa waxaa laga helayaa qarax saaka ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose. Qaraxa ayaa lagu soo warramayaa inuu ahaa nooca miinada dhulka lagu aaso, kaas oo ka dhacay suuq xoola nool lagu iibiyo oo ku yaalla degmadaasi. Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in qaraxaas uu ku dhintay hal qof, iyadoona ay ku dhaawacmeen labo kale oo dhammaan ah dad shacab ah. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in goobta ay wax ka dhaceen ay tageen ciidamo ka tirsan kuwa Booliiska degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose. Xaaladda ayaa hadda degan, waxaana si caadi ah ku soo laabtay dhaq-dhaqaaqa suuqa uu qaraxu ka dhacay. View the full article Share this post Link to post Share on other sites