Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahino ka soo baxaya qarax ka dhacay degmada Afgooye

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahino kala duwan ayaa waxaa laga helayaa qarax saaka ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Qaraxa ayaa lagu soo warramayaa inuu ahaa nooca miinada dhulka lagu aaso, kaas oo ka dhacay suuq xoola nool lagu iibiyo oo ku yaalla degmadaasi.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in qaraxaas uu ku dhintay hal qof, iyadoona ay ku dhaawacmeen labo kale oo dhammaan ah dad shacab ah.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in goobta ay wax ka dhaceen ay tageen ciidamo ka tirsan kuwa Booliiska degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Xaaladda ayaa hadda degan, waxaana si caadi ah ku soo laabtay dhaq-dhaqaaqa suuqa uu qaraxu ka dhacay.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this