Deeq A. Posted September 23, 2020 Muqdisho (Caasimada Online ) – Wararka ka imaanaya Sh/Hoose ayaa sheegaya in maanta qarax khasaare geystay uu ka dhacay degmada Afgooye ee gobolkaasi. Qaraxa oo ahaa nooca miinada dhulka lagu aaso ayaa ka dhacay suuq xoolaha nool lagu iibiyo oo ku yaalla gudaha degmadaasi. Wararka ayaa sheegaya in xilliga uu qaraxu dhacayey ay suuqa ku sugnaayeen dad fara badan oo shacab ah. Inta la xaqiijiyey ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay qaraxaasi, iyadoona ay ku dhaawacmeen labo kale oo dhammaan ah dad shacab ah. Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi. Xaaladda ayaa hadda degan, waxaana si caadi ah ku soo laabtay dhaq-dhaqaaqa suuqa uu qaraxu ka dhacay. Afgooye oo qiyaastii 30 km u jirta magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa waxaa inta badan weeraro xoogan ka fuliya dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab. The post Qarax ka dhacay Suuqa Afgooye & khasaare ka dhashay first appeared on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites