Sign in to follow this  
Deeq A.

Trump Oo Mar Kale Weerar Ku Qaaday Ilhaan Cumar Iyo Jawaabtii Ilhaan

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa mar kale xalay weerar ku qaaday Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Wakiilada Mareykanka, isaga oo adeegsanaya dhibaatada iyo dagaallada Soomaaliya.

“Waxay noo sheegeysaa sida loo maamulo dalkeena. Maxaad ka sameysay dalkii aad ka timid. Waa side dalkaaga iminka. Waxay noo sheegeysa sida loo maamulo dalkeena,” ayey tidhi.

Trump ayaa sheegay in doorashada soo socota uu ku guulleysan doono gobolka Minnesota ee laga soo doorto Ilhaan, sababtuna ay tahay Ilhaan, oo sida uu sheegay gobolka laga nacay.

Waa weerarkii labaad ee toddobaad gudihiis uu Trump ku qaado Ilhaan. Dhowr maalmood ka hor ayuu Trump ugu yeedhay Ilhaan inay tahay xagjir dooneysa inay dalka Mareykanka keento qaxooti Soomaali iyo Yemeni ah.

Trump ayaa dhanka kale ku faanay inuu Soomaaliya u celiyey boqol dambniileyaaal ah, waxaanu yidhi “waxay ku laabteen dalkooda, oo wixii ay doonaan oo cabasho ah ay ka sameyn karaan.”

Ilhaan Cumar ayaa ka jawaabtay weerarka cusub ee xalay kaga yimid Trump.

“Marka koowaad, kani waa dalkeyga, waxaana ka mid ah Aqalka Wakiilada ee adiga kugu qaaday dacwaddii xil ka xayuubinta,” ayey tidhi Ilhaan Cumar oo qoraal soo dhigtay barta twitter-ka oo ay Somalilandtoday ka soo xigatay.

“Marka labaad, waxaan kasoo qaxay dagaal sokeeye, aniga oo 8 jir ah. 8 sano jir ma maamulo waddan inkasta oo adiga aad dalkeena u maamusho sidaas oo kale.”

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this