Sign in to follow this  
Deeq A.

Baarlamanka Soomaaliya oo Maanta Codka Kalsoonida u qaadaya Ra’iisul wasaaraha magacaaban

Recommended Posts

Deeq A.   

Mudanayaasha Golaha Aqalka Hoose ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo Arbaco ah Codka kalsoonida u qaadaya Ra’iisul wasaaraha magacaaban ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Madaxweyne Farmaajo oo Golaha horgayn doona Ra’iisul wasaaraha Cusub ayaa halkaas ka jeedin doona Khudbad uu Xildhibaannada kaga codsanayo Ansixinta Ra’iisul wasaaraha magacaaban Mr Rooble.

Ra’iisul wasaaraha magacaaban ayaa maalmihii u dambeeyay kulamo xiriir ah ka waday gudaha Magaalada Muqdisho kuwaas oo uu xildhibaannada Baarlamanka ku weydiisanayay in ay Codka Kalsoonida siiyaan.

Mudane Rooble oo uu Madaxweyne Farmaajo magacaabay 17-kii bishan September 2020 ayaa lagu wadaa in uu soo dhiso Xukuumad cusub haddii ay Codka Kalsoonida siiyaan Golaha Baarlamanka Soomaaliya.

PUNTLAND POST

The post Baarlamanka Soomaaliya oo Maanta Codka Kalsoonida u qaadaya Ra’iisul wasaaraha magacaaban appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this