Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni oo kulan gaar ah la yeeshay Guddoomiye Cumar Finish

Recommended Posts

Deeq A.   
Finish.jpg?resize=960%2C640&ssl=1

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hoyga uu ka deganyahay Muqdisho Kulan gaar ah kula yeeshay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish).

War kooban oo ka soo baxay Madaxtooyada Puntland, ayaa lagu sheegay in Guddoomiye Cumar Finish uu Madaxweyne Deni ku bogaadiyay doorkii muhimka ahaa ee uu ka qaatay in la go’aamiyo doorashada dalka.

Guddoomiye Cumar Finish ayaa Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ku bogaadiyey doorkii muhimka ahaa ee uu ka qaatay in la go’aamiyo doorashada dalka.”

Madaxweynaha Puntland  ayaa isna uga mahadceliyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Dadweynaha Muqdisho soo dhoweynta wanaagsan ee ay u sameeyeen isaga iyo wefdigiisa.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Deni oo kulan gaar ah la yeeshay Guddoomiye Cumar Finish appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this