Deeq A. Posted September 22, 2020 Waxaa maanta xal kama dambeys ah laga gaaray khilaaf muddooyinkii la soo dhaafay u dhexeeyay guddoonka labada Aqal ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, kadib kulan ballaaran oo ka dhacay xarunta madaxtooyada Qaranka ee magaalada Muqdisho. Kulankan ayaa waxaa lagu dhammeeyey khilaafka labada Aqal, waxaana kaalin weyn ka qaatay madaxda dowlad goboleedyada dalka ee ku sugan caasimadda. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in kulankan diirada lagu saaray, sida ay wada shaqeyn buuxdo u yeelan lahaayeen labada Gole ee baarlamaanka Soomaaliya. Dhinaca kale waxa kulanka lagu soo qaaday, sida ay labada Aqal u meel marin lahaayeen heshiiska ay doorashada ka gaareen madaxda dowladda dhexe iyo kuwa M/goboleedyada. Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa haatan ah mid dagan, kadib shirkii wada-tashiga Muqdisho, waxaana sidoo kale la magacaabay Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites