Sign in to follow this  
Deeq A.

BF Somalia oo berri u codeynaya Kalsooni siinta Ra’iisul-wasaaraha cusub

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaanadda golaha shacabka ee baarlamaanka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa maalinta berri ah kulan ku yeelanaya xaruntooda ku meel gaarka ah ee Villa Hargeysa, kaddib fariinta guddoonka golaha.

Ajendaha kulanka ayaa ah hadal jeedinta madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Khudbad ka jeedin doona fadhiga golaha Shacabka.

Sidoo kale waxay u codeyn doonaan kalsooni siinta Ra”iisul-wasaaraha cusub ee xukummadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, si uu u guto waajibaadka qaran ee loo igmaday.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi farmaajo ayaa 17 bishaan u magacaabay xilka Ra”iisulwasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this