Sign in to follow this  
Deeq A.

Axmed Madoobe: Hawiyow magaalada Muqdisho dadka kama xigtaan + Video

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa khudbaddii uu ka jeediyay gogoshii ay maanta beesha Mogadishu Clan u dhigtay wuxuu sidoo kale kusoo hadal qaaday maqaamka magaalada Muqdisho.

Hogaamiyaha Jubbaland wuxuu bogaadiyay sida ay isku badashay magaalada Muqdisho, isla markaana waxa dhibka ugu weyn dadka ku haya ay tahay kooxda Al-Shabaab ee aysan jirin cid iska xigsaneysa iyo dad aan kala fikir duwaneyn.

Axmed oo hadal ku tuuraya beesha Mogadishu Clan oo ay marti u ahaayeen wuxuu yiri: “Soomaalida markey is xamaneyso waxey oran jirtay dowladnimada Mogadishu Clan ugu daran, oo laguma xaman jirin in dowladnimada looga fiican yahay.”

“Waxaa hadda muuqata cidda dowladnimada ugu dhaw, ee raadineysa, ee war dowladnimo, war Soomaali, war hala isku yimaado, war shir nabadeed oraneysa iney Mogadishu Clan yahiin waan idinkaga mahad celinayaa,” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Dhinaca kale Axmed Madoobe wuxuu madasha uga mahad celiyay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo sida uu u dhaqmay intii lagu jiray shirkii ay Muqdisho ku yeesheen wuxuuna yiri:

“Waxaan uga mahad celinayaa madaxweynaha jamhuuriyadda inuu yiri – anigu xitaa dhan farsamo ma rabo ee waxaan rabaa sida ugu dhaqsiyaha badan ee ugu dhaw ee dadka loogu qabto doorasho, una arko iney xasiloonida intaas ku jirto.”

Ugu dambeyntii Axmed Madoobe wuxuu ka hadlay waxa ay u qalanto magaalada Muqdisho iyo hadii beelweynta Mogadishu Clan ay ka xigaan Soomaalida kale.

“Waxaan rabaa inaan ka hadlo magaalada Muqdisho waa caasimadda Soomaaliya, Hawiyow aad u dhageysta, caasimaddan Mogadishu Clan dadka kama xigo, waa magaaladaan kusoo koray waxna ku bartay, caasimadda Muqdisho waa iney yeelato maqaam sharci ah oo ay leedahay oo ay matalaad ku leedahay, caasimadda uma baahna gudoomiye loo soo magacaabo, uma baahna nin mar walba la badalo, waxey u baahan tahay gole deegaan, maamul iyo dhaqaale dadka wax loogu qabto, biyo macaan ay helaan, koronto lacag la’aan ah iyo dhaqaalahooda oo dib loogu celiyo.”

“Xiligii horana waan ka hadalnay howshaas, maanta hadii Baarlamaanka go’aankaas gaari waayo, waxyaabaha aan rabno raadka in laga tiro waxaa ka mid ah, doorashada soo socota inaan lagu murmin, maqaamka caasimadda iyo matalaadeeda inaan lagu murmin oo la qeexo, wax walba wax cad oo la isku ogyahay iney noqoto ayaan rabnaa.”

“Howsha aan sidaas u wada qaadano, yaanan isku dhaga-hadlin, anaa ugu jecel Muqdisho iney maqaam iyo matalaad yeelato, qof iga xigana ma jiro, waxaan idinka sugeynaa inaan sameyno fulinta waxyaabaha aan heshiiska ku gaarnay, ayna soo baxdo in loo dareeri karo doorashada”

The post Axmed Madoobe: Hawiyow magaalada Muqdisho dadka kama xigtaan + Video first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this