Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Somalia oo gudoomineysa shirka Golaha guud ee QM

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Danjiraha Soomaaliya u qaabilsan Qaramada Midoobay, Mudane Abuukar Cusmaan (Abuukar Balle) oo dhowaan loo doortay gudoomiye ku xigeenka kulanka 75aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobey ayaa la wareegay shir guddoonka qayb ka mid ah fadhiga 75-aad ee golaha loo dhanyahay.

Shirka oo ah mid ballaaran ayaa waxaa sanadkan 2020-ka inta badan ay madaxda caalamka uga qeyb-galeysaa habka Online-ka.

Sidoo kale waxaa sanadkan shirka diiirada lagu saaray saameynta uu cudurka Coivid-19 ku yeeshay bini’aadamka oo dhan, tallaabooyinka ay dawladuhu u qaadeen la dagaalankiisa iyo dhibaatooyinka dhaqaale ee ka dhashay.

Soomaaliya waxaa shirkaas uga qeyb-galay ku simaha Ra’iisul wasaaraha Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar oo warbixin golaha ka siiyey xaaladda dalka.

Mahdi Guuleed ayaa khudbaddiisa kaga hadlay arrimaha doorashooyinka soo socda oo laga gaaray heshiis siyaasadeed, saamaynta dhaqaale ee Somaaliya ka soo gaartay COVID-19 iyo sida dawladdu ay xoogga u saartay xakamaynta cudurkan.

Si kasabtaba ha’ahaatee Soomaaliya ayaa bishii June ee sanadkan 2020-ka loo doortay inay ka mid noqoto 21-da Madaxweyne ku xigeen ee fadhiga 75-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay, jagadaas oo ay Soomaaliya ugu dambeysay sanadkii 1979-kii.

1-5-1.jpg 2-3-1.jpg 2-4-1.jpg 3-3-2.jpg 4-3.jpg 5-1-1.jpg

 

The post Sawirro: Somalia oo gudoomineysa shirka Golaha guud ee QM first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this