Sign in to follow this  
Deeq A.

Askari ka tirsan ciidamada DF oo Wiil dhalinyaro ahaa ku dilay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil uu maanta askari ka tirsan ciidamada dowladda wiil dhalinyaro ahaa ugu geystay magaalada Muqdisho.

Dilka oo ka dhacay xaafadda Soona-Key oo ka tirsan degmada Hodan ayaa waxaa loo geystay Marxuum Bile Cali Diini,kaas ka mid ahaa dhalinyarada ku shaqeysata Bajaajta.

Wararka ayaa sheegaya inuu baxsaday askarigii ka dambeeyey falkaasi, waxaana meydka marxuumka goobta ka qaaday qaar ka mid ah ehelladiisa.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dilkaasi, balse waxaa haatan socda baaritaano ay wadaan ciidamada ammaanka oo ku aadan dhacdadaasi.

Inta badan ciidamada dowladda ayaa dil iyo dhaawac u geysta dhalinyarada ku shaqeysata mootada nooca Bajaajta ee ka howl-gasha magaalada Muqdisho.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this