Sign in to follow this  
Deeq A.

Indha Cadde oo walaac ka muujiyey amniga magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

General Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde) oo ka mid ahaa saraakiishii hore ee dowladihii soo maray dalka, islamarkaana xilal kala duwan ka soo qabtay Soomaaliya ayaa walaac ka muujiyay xaalada amni ee dalka, gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Indha Cadde oo wareysi siiyey Shabelle ayaa sheegay in amniga dalka uu yahay mid liita, wuxuuna sheegay in aysan jirin is-bedal  laga sameeyey 4 sano ee la soo dhaafay.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dowladda federaalka looga baahnaa inay la timaado qorshe cad oo ay ku wajaheyso dagaalka adag ee lagula jiro Al-Shabaab.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli maalmihii u dambeeyey magaalada Muqdisho ay ka dhacayeen falal liddi ku ah amniga, sida qaraxyo iyo dilal qorsheysan intaba.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this