Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Kenya oo walaac xoogan ka muujisay weerarada Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada Booliiska ee dalka Kenya ayaa si weyn u adkeeyay amniga deegaanada ku dhaw xadka ay la leedahay Soomaaliya oo ay weeraro ka soo qaadaan dagaalyahano Al-Shabaab.

Qaar ka mid ah deegaanada waxaa la geeyay ciidamo dheeraad ah, si loo hooga hartago weeraro ka yimaada dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab.

Sarkaal sare oo ka tirsan Booliiska Kenya ayaa halis weyn ku tilmaamay A-Shabaab, iyadoo maanta ay ku beegan tahay xilligii la weeraray y suuqa westgate ee magaalada Nairobi.

Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa waxaa howl-gallo ciidamada ammaanka ee Kenya ay ka sameeyeen gobolka Waqooyi Bari iyo kuwa xeebta waxaa ay ku soo qabteen rag looga shakisan yahay in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab.

Taliyaha ciidamada Booliiska Kenya General Hillary Mutyambai ayaa dadka shacabka ah ugu baaqay inay ka feejignaadaan halista weeraro ay Al-Shabaab ka geysan karaan dalkaasi.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this