Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahino ka soo baxaya dagaal ka dhacay gobolka Galgaduud

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal u dhexeeyey ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab oo maanta ka dhacay gobolka Galgaduud.

Dagaalka ayaa waxaa ciidamada dowladda ay ku qaadeen deegaanka Miirdugul oo koonfur ka xiga magaalada Dhuusamareeb, halkaas oo ay ku xoogan yihiin Al-Shabaab.

Ilo dada deegaanka ah ayaa Shabelle u sheegay in dagaalkaasi hal askari looga dilay ciidamada dowladda iyo dhaawacyada askar kale.

Sidoo kale saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga dalka ayaa sheegay in dhankooda ay khasaare lixaad leh gaarsiiyeen dagaalayahanada Xarakada Al-Shabaab.

Sidoo kale saraakiisha ayaa intaasi ku daray inay la wareegn gacan ku heynta deegaanka lagu dagaalamay oo hoosta magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.

Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ayaa xoojiyey dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ay ka wadaan gobollada Galgaduud iyo Mudug.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this