Sign in to follow this  
Deeq A.

Mashruuc lagu ballaarinayo garoonka Aadan Cadde oo la billaabay + Video

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Sii -hayaha Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed ayaa maanta kormeer howleed ku tagay garoonka diyaaraha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Kormeerkaasi ayaa u daarna u kuur galida howlaha baaxadda leh ee ballaarinta iyo horumarinta ee ka socda garoonkaasi, waxaana ku wehlinayey sii-hayaha wasiirka gaadiidka cirka Maxamed Cabdullaahi Oomaar.

Mahdi oo booqday qeybaha kala duwan ee garoonka ayaa ugu horeyntii warbixin ku saabsan mashaariicda horumarinta garoonka ka dhageystay saraakiisha garoonka iyo mas’uuliyiinta shirkadda Favori ee garoonka maamusha.

Maxamed Cabdullaahi Oomaar oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in shirkada Favori ee gacanta ku haysa maamulka Garoonka ay la galeen heshiis lagu ballaarinayo garoonkaasi, xili ay socdaan billowga mashaariicdaasi.

“Waxaan la saxiixannay shirkadda Favori ee garoonka maamusha heshiis lagu ballaarinayo garoonka oo ay ku jiraan Duugista badda, dhismaha derbi ilaa 500 oo mitir ah” ayuu yiri Wasiir Oomaar.

Wuxuuna intaas kusii daray “Waxaana dib loo cusbooneysiinaya dhabbaha diyaaradaha iyo weliba shaqooyin kale oo muhiim ah oo qaarkood meel dhexe marayaan”.

Sidoo kale waxa halkaasi ka hadlay sii-hayaha Ra’iisal wasaaraha oo bogaadiyey shaqada ka socota garoonka, isagoona ku ammaanay mas’uuliyiinta iyo howl-wadeennada garoonka shaqada wanaagsan ee ay hayaan.

Ugu dambeyntiina waxa uu ku boorriyay inay dar-dar xoogan galiyaan howlahaasi, oo qaarkood ay xiligan marayaan meelo dhexe, halka kuwo kalen ay bilow yihiin.

The post Mashruuc lagu ballaarinayo garoonka Aadan Cadde oo la billaabay + Video first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this