Deeq A. Posted September 21, 2020 Wararka ka imaanaya Gobolka Jubada Hoose, ayaa sheegaya in Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhiga Jubaland iyo kuwa Kenya ay ku leeyihiin Degaanka Qooqaani oo ka tirsan Degmada Afmadow. Dagaallamayaasha Al-shabaab, ayaa lagu soo warramayaa in ay madaafiic ku garaaceen Saldhiga Qoonaani, balse ay iska caabin xooggan kala kulmeen Ciidamada Jubaland, oo ay weheliyaan Ciidamada Kenya. Dhawaqa Hubka culus, ayaa laga maqlay Degaanka, waxaana la sheegay in dagaal xooggan dhexmaray labada dhinac, kaas oo Al-shabaab ku khasbay in ay dib uga laabtaan Saldhiga.Waxaanse weli faahfaahin sugan laga helin Khasaaraha ka dhashay Dagaalka, iyadoo aysan jirin wax war ah oo ka soo baxay dhinacyada dagaallamay. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo culus oo ka dhacay Jubada Hoose appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites