Deeq A. Posted September 21, 2020 Somaliland ayaa Beesha Caalamka ku wargelisay inay wax shaqo ah ku lahayn heshiiskii doorashooyinka ee dhawaan lagu gaaray Muqdisho. War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibada Somaliland ayaa lagu sheegay in Somaliland tahay dal shacabkiisu doorasho qof iyo cod ah ku daartaan cidda ku matalaysa golayaashii kala duwan ee dowladda, sidaas darteed uusan qusayn heshiiska doorashooyinka ee Muqdisho. Heshiiskii Muqdisho waxaa ku jiray qodoboka hadlayay sida loo dooranayo xubno labada aqal ee baarlamaanka ku matala Somaliland. PUNTLAND POST The post Somaliland oo ka hadashay heshiiskii Muqdisho appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites