Sign in to follow this  
Deeq A.

KENYA Oo Baadheysa $71 Milyan Oo Lagu Lunsaday Coronavirus+ Uhuru Kenyatta Amray In Baadhitaan Lagu Sameeyo Qandaraasyada La Siiyay Shaqsiyaad Saamayn Leh

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Nairobi)-Xeer ilaaliyaha guud ee Kenya, Noordin Haji, ayaa amar ku bixiyay in la baadho $ 71 milyan oo ah “wax iibsasho aan caadi ahayn” oo ay la xidhiidh coronavirus oo ay sameysay Hay’adda Adeegga Caafimaadka ee Kenya (KEMSA).

Shaqaalaha cisbitaallada dhibaatada ugu badan la tacaalaya ee Kenya ayaa sameeyay shaqo joojin si ay u muujiyaan waxa ay ku sheegeen dhaqamada fadeexada ah ee hay’adda, oo dawooyinka iyo qalabka caafimaad u iibisa cisbitaallada guud ee dalka.

Saddax toddobaad ka hor, madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ka codsaday guddiga qaran ee Anshaxa iyo La-dagaalanka Musuqmaasuqa (EACC) in ay baadhaan qandaraasyada la siiyay shaqsiyaad saamayn leh, oo ay ku jiraan siyaasiyiin, iyada oo aan la ixtiraamin shuruucda wax soo iibsiga dadweynaha.

Guddiga anshaxa iyo La-dagaallanka Musuqmaasuqa ayaa baadhitaan uu sameeyey shaqada kaga hakiyey madaxa hay’adda KEMSA Jonah Manjari iyo agaasimaha waaxda sahayda Charles Juma.

Dhowr ganacsato reer Kenya ah ayaa hore loogu eedeeyay inay sifo aan sharci aheyn ula baxeen lacag gaadheysa $ 400 milyan oo hanti dowladeed ah taasi oo loogu talo-galay in lagu bixiyo qalabka caafimaad ee loo baahan yahay si loola tacaalo cudurka safmarka ah ee Covid-19.

Dalal badan afrikaan ah ayaa la sheegay inay musuqmaasuq ku sameeyeen lacago la doonayay in lagula tacaalo cudurka dillaaga ah ee Covid-19.

Bulshada reer Somaliland ayaa waxa ay calaamatul su’aal galinayaan qaabka ay xukuumadda Somaliland iyo guddiga COVID 19 u maamuleen dhaqaalihii gacantooda soo galay, iyada oo dad badan ay sheegayaan in loo maamulay dhaqaalahaasi qaab aan sax ahayn.


Haddaba su’aal ay dad badan raadinayaan jawaabteeda ayaa waxa ay tahay madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ma amri doonaa in baadhitaan lagu sameeyo guddiga la-tacaalida xanuunka COVID 19 ee Somaliland??

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this