Sign in to follow this  
Deeq A.

Dawladda Soomaaliya Oo Qorsheyneysa Inay Dib U Soo Celiso Xidhiidhkii Imaaraadka Carabta

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Dawladda Soomaaliya ayaa qorsheyneyso inay dib u billowdo xidhiidhka dowladda Imaaraadka Carabta, dib u soo celinta xidhiidhkii Imaaraadka Carabta iyo Soomaaliya ayaa waxaa loo dhiibay Ergeyga gaarka ah ee Madaxweyne Farmaajo u qaabilsan Arrimaha Badda Cas iyo Gacanka Cadan Maxamed Cismaan Balal, sida ay baahiyeen warbaahinta maxaliga ah ee magaalada Muqdisho oo ay Somalilandtoday ka soo xigatay warkan.

Wararka ayaa sheegaya in Maxamed Cismaan Balal uu ku waajahan yahay Imaaraadka Carabta, si uu u bilaabo wada hadalada, isagoo farriin ka sida Madaxweyne Farmaajo.

Lama shaacin farriinta Madaxweyne Farmaajo u dirayo Imaaraadka, waxaase jiray xidhiidhka labada dal inuu aad u xumaaday tan iyo markii dowladda Madaxweyne Farmaajo la wareegtay lacag dhan 9.6 milyan dollar muddo laga joogo 30 bilood.

Raysal Wasaaraha Itoobiya oo ay xulufo dhow yihiin Madaxweyne Farmaajo ayaa muddooyinkanba ka shaqaynayay sidii loo soo celin lahaa xidhiidhka Madaxweyne Farmaajo iyo Imaaraadka, iyadoo shuruudaha Imaaraadku dalbaday in la fuliyo si loo soo celiyo xidhiidhka labada dal ay ka mid yihiin in dowladda Soomaaliya bixiso cudur daar rasmi ah, ayna soo celiso lacagaha, aqbasho heshiiska dekedda Boosaaso.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this