Sign in to follow this  
Deeq A.

Xaaladda Beledweyne oo laga deyrinayo, kadib fatahaado ku dhuftay

Recommended Posts

Deeq A.   

Xaaladda Beledweyne ayaa aad looga deyrinayaa, kadib markii uu markale fatahaad ka geystay webiga Shabelle ee mara magaaladaasi.

Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada gobolka Hiiraan, Sheekh Xuseen Cismaan Cali ayaa sheegay in xaafadaha qaar ee Beledweyne laga barakacay, halka kuwa kalena la dagan yahay, balse ay ku hareereysan biyaha dhex ceegaaga magaalada.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xaalad adag oo dhanka nolosha ah ka jirto halkaasi, isaga oo baaq u dirau dowladda federaalka, HirShabelle iyo haya’daha samafalka.

Beledweyne oo xarun u ah gobolka Hiiraan ee dhaca bartamaha Soomaaliya ayaa waxaa ku soo laa-laabta sanad-welba fatahaadaha ku dhufta bartamaha magaaladaasi, waxaana saameynta ugu daran ay soo gaartaa dadka nugul ee ku dhaqan halkaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this