Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Jubaland oo Muqdisho kula kulmay Bulshada Rayidka ah

Recommended Posts

Deeq A.   
Qaran.jpg?resize=1000%2C666&ssl=1

Madaxweynaha Dowlad Goboleed Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa xalay kulan la qaatay xubno ka socday Ururada Bulshada Rayidka ah.

Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Jubaland ayaa lagu sheegay in Ururada Bulshada Rayidka ah ay Madaxweynaha uga mahad celiyeen sida uu hormuudka uga noqday in dalku uu helo hannaan Doorasho oo heshiis lagu yahay isla markana meesha ka saara walaaca ay Bulshadu ka qabtay mustaqbalka dalka ee xiligan kala guurka ah.

Qoraalka waxaa sidoo kale lagu xusay in Ururada Bulshada Rayidka ah xubnaha ka socday ay sidoo kale sheegeen  in ay Dowlada Federaalka ah iyo Dowladaha xubnaha ka ah kala shaqaynayaan sidii waxyaabaha dhiman loo dhamaystiri lahaa.

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Jubaland oo Muqdisho kula kulmay Bulshada Rayidka ah appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this