Sign in to follow this  
Deeq A.

M/weyne Putin oo bixiyey billaddii ugu qaalisanayd Dalka Ruushka,Yuuse siiyey,Muxuuse u siiyey?

Recommended Posts

Deeq A.   

Putin oo siiyey billaddii ugu qaalisanayd ninkii curiyey gantallada guuxooda ka dheereeya

Madaxwaynaha Ruushka Putin
Madaxwaynaha Ruushka Putin

Madaxwaynaha Vladimir Putin ayaa gudoonsiiyay abaalmarinta ugu sareysa dalkaasi ninka lagu magacaabo Herbert Efremov, oo ahaa ninkii ikhtiraacay ama sameeyay gantaalada casriga ee guuxooda ka dheereeya ee loo yaqaano hypersonic .

Madaxwaynaha ayaa gantaaladan ku tilmaamay kuwa Ruushka siiyay sareeyn dhanka hubka ah markii ugu horeysay taariikhda.

Shir dhanka muuqaalka ah ayuu Mr Putin, waxaa uu Mr Efremov la barbar dhigay khubaradii Ruushka ee xilligii Soofiyeedka sameeyay barnaamijka hubka Niyukleerka.

Waxaa uu madaxwaynaha Ruushka Vladimir Putin sidoo kale xusay in Ruushka muudo toboneeyo sano ah door muhiim ah ay ka ciyaarayeen dhanka awodda militariga.

Balse waxa uu sheegay in sameyntii uu iyo soo saaridii gantaalada guuxooda ka dheereeya ay yihiin kuwa xawli dheereeya, awood badan islamarkana aysan suuragal ahayn in la soo rido.

 

Gantaalada guuxood ka dheereeya ee hypersonic
Gantaalada guuxood ka dheereeya ee hypersonic

Madaxwaynaha dalka Ruushka ayaa farta ku fiiqay in markii sanaddii 2002 uu madaxwaynihii hore ee Mareykanka George W. Bush’ ka baxay heshiiskii ka hortaga gantaalada riddada dheere ay Ruuska ku qasbanaadeen inay hormariyaan gantaalada guuxooda ka dheereeya ee hypersonic.

Gantaalada Ruushka ee guuxooda ka dheereeye ayuu sheegay madaxwayne Putin inay yihiin kuwa 27 jeer guuxooda ka dheereeya.

Sida ay Ruushka sheegeen waxay gantaaladan awoodaan in ay gaaraan 100 kiilo mitir.

Waxaa gantaaladan uu markii ugu horeysay madaxwayne Putin xarigga ka jaray 1 March sanaddii 2018.

Gantaaladan guuuxooda ka dheereeya ayaa waxaa ay sidoo kale awood u leeyihiin inay xambaaraan madaxyada Niyukleerka

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this