Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidanka Xoogga Dalka oo La Wareegay Deegaan Dhaca Duleedka Dhuusameeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada xoogga dalka gaar ahaan qeybta 21-aad guutadiisa  15-aad ayaa maanta howlgallo ka fuliyey deegaanno dhaca duleedka Koonfureed ee magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulka Galmudug.

Ciidamada oo ka ruqaansaday magaalada ayaa u jaheystay deegaanka Meer-dugul oo ay waqtiyadii dambe ay maamulayeen   Al-shabaab.

Dalaag xoogan oo deegaanka ka dhacay ayey ugu dambeyn ciidamadu waxaa ay la wareegeen deegaan ,Al-shabaab ayaan isaga baxay deegaan Meer-dugul oo ay muddooyin ku sugnaayeen.

Maamulka Galmudug wasaaradiisa amniga ayaa dhowaan ku dhawaaqday in la qaaday howlgallo ka dhan ah Al-shabab oo deegaanno dhowr ah kaga sugan deegaannada maamulka Galmudug.

Goobjoog News

 

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this