Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo shaacisay in dib loo bilaabay howlaha garoonka Aadan Cadde

Recommended Posts

Deeq A.   

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in diyaarad nuuceedu yahay Fokker 50 oo ay leedahay shirkadda Silverstone Air Service nambarkeedu yahay SY-MHT ay maanta soo Sabti ah September 19, 2020 07;55 AM subaxnimo ku gashay shil garoonka Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho.

Diyaaraddu ayaa sidday xamuul iyo afar (4) shaqaale, taasi oo ka baxday magaalada Muqdisho, iyadoo raashin u sidday magaalada Beladweyne, Wax yar kaddib marki ay diyaaraddu hawada gashay ayuu duuliyihii diyaaradda soo gashay cillad (hydraulic problem) wuxuuna dib ugu soo laabtay garoonka Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho.

Diyaaraddu ayaa ka soo caga dhigatay garoonka Aadan Cabdulle dhabbaha diyaaradaha dhanka (runway 05), iyadoo cilladdii uu soo tebiyay duuliyaha awgeed ay diyaaraddu ka baxday dhabbaha diyaaradda, waxayna ku dhacday darbiga garoonka.

Shaqaalihii la socday diyaaradda dhamaan ayaa lagu guuleystay in la soo badbaadiyo iyagoo dhaawac ah, sidoo kale diyaaradda ayaa waxaa soo gaaray bur bur.

War-saxaafadeedka ayaa lagu xusay in abaaro 2:00 duhurnimo ee maanta dib loo furay garoonka oo ay si caadi ah ku bolowdeen howlihii duulimaadyada.

Halkan hoose ka akhriso War-saxaafadeedka

WhatsApp-Image-2020-09-19-at-18.52.07.jp

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this