Sign in to follow this  
Deeq A.

Qoyska boqortooyada Sacuudiga oo laba u kala qeybsamay

Recommended Posts

Deeq A.   

Jeddah (Caasimadda Online) – Muran ayaa ka socda gudaha qasriga looga taliyo dalka Sacuudi Carabiya, waxaa su’aal la iska weydiinayaa hadii la macaamilka Israel ay u fiican tahay iyadoo Imaaraadka iyo Baxreyn ay si cad ugu dhawaaqeen xiriirka diblomaasiyadeed ee Israel.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa wargeyska The Wall Street Journal u sheegay in Boqor Salmaan Bin Cabducasiis uu ku khilaafay wiilkiisa dhaxal sugaha ah ee Mohamed Bin Salmaan in gacan loo taago Yahuudda, waxaana la ogyahay taageerada uu u hayay go’aankii ay horay carabta uga gaartay Israel iyo in la helo dowlad madax banaan oo ay leeyahiin dadka reer Falastiin.

Boqor Salmaan wuxuu u muuqdaa mid u jiheysan inuu ku mowqif noqdo Iran oo aan marnaba taageersaneyn sida ay Mareykanka heshiis uga dhex abuurtay dowladaha Carbeed iyo Israel.

Waxaa kaloo la fahamsan yahay in boqorka uu aad uga naxay xiriirkii diblomaasiyadeed ee mareykanka uu ku dhawaaqay 13-kii August kaas oo dhexmaray Israel iyo Imaaraadka, waa marka ay ku dhalatay inuu u dhaqaaqo inuu la jaanqaado la taliyayaashiisa iyo sidoo kale dadka ka hadla arrimaha Sacuudiga, taas badalkeeda dhaxal sugaha aad ugama nixin galaangalka Isreal ee dalalka Carabta.

Dhanka kale, dhaxalsuge Mohamed Bin Salmaan wuxuu dareemayaa cabsi ku aadan in aabahiis uu laalo heshiis aan dan ugu jirin in lagu yagleelo qaranimo ay Falastiin sameyso, waa sida dadka badi hadal hayaan.

Mohamed Bin Salmaan wuxuu si ulakac ah u saxiixay heshiis aan ku cadeyn doorka dadka reer Falastiin mana uusan ogeysiin aabahiis.

Israel waxey ogolaatay iney hoos u dhigto dul balaarsiga ay ku heyso Falastiin si ay dib ugu soo celiso xiriirkii kala dhaxeeyay Imaaraadka, waana qeyb ka mid ah heshiiska uu mareykanka garwadeenka ka ahaa.

Boqor Salmaan isagoo careysan ayuu wasiirkiisa arrimaha dibadda amray in la cadeeyo xukunka dib u aas-aasidda Falastiin, isagoo aan soo hadal qaadin heshiiska caadiga ah.

Xubin ka tirsan qoyska Boqortooyada Sacuudiga ayaa u sheegay wargeys laga leeyahay gudaha Sacuudiga in arintaan ay Imaaraadka Carabta ku cadaadin karto iney Israel ku cadaadiyaan heshiisyo dheeraad ah.

The post Qoyska boqortooyada Sacuudiga oo laba u kala qeybsamay first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this