Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo faah-faahisay shilkii diyaaradeed ee garoonka Aadan Cadde

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Maxamed Cabdullahi Salaad (Oomaar) oo u warramay Shabelle ka warbixiyey shilkii diyaaradda ee saaka ka dhacay Aadan Cadde.

Oomaar ayaa wareysigan ku sheegay in diyaaradda ay cilad ku timid, xilli ay xamuul u qaaday dhanka magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, islamarkaana  ay dib ugu laabatay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in diyaaraddu ay saarnaayeen ilaa 4 qof oo isugu jira duuliyeyaasha iyo shaqaale, kuwaas oo labo ka mid ah ay dhaawacyo soo gaareen.

Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada oo sii hadlaya ayaa sidoo kale xusay in diyaaradda oo laga leeyahay dalka Kenya uu burbur ka soo gaaray qeybta hore, kaddib markii ay ku dhacday derbi shub ah oo ah xayndaabka garoonka magaalada Muqdisho.

Shilkan ayaa sababay inuu hakad-galo dhaq-dhaqaaqa guud ahaan garoonka Aadan Cadde oo si aad ah ay  u isticmaalaan duulimaadyada caalamiga ah iyo kuwa gudaha.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this