Sign in to follow this  
Deeq A.

 Degdeg:Wararkii ugu dambeeyey shil diyaaradeed ka dhacay Madaarka Muqdisho+Dhaawaca,Cida leh Diyaarada & waxa shilka sababay+Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

 Degdeg:Wararkii ugu dambeeyey diyaarad ku burbrutay Madaarka Muqdisho

Faah faahino dheeri ah laga helayaa shil diyaaradeed oo goor dhow ka dhacay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Shilka ayaa yimid, kadib markii diyaaradda oo uu oo nuuceedu yahay Foker 50 ay ku dhacday darbiga ama xeyndaabka garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in diyaaraddaasi ay waxyeelo ka soo gaartay hal qof, islamarkaana laga soo bad-baadiyey saddex qof oo kale oo ay ku jiraan duuliyaha iyo caawiyihiisa.

Sidoo kale waxaa gurmad deg-deg ah u fidiyey diyaaradda howl-wadeenada garoonka Aadan Cadde, si uusan dab uga kacin.

 

Geesta kalena Wasiirka gadiidka iyo duulista hawada xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Salaad (Oomaar)  ayaa faah faahin ka bixiyey shil diyaaradeed oo saaka ka dhacay gudaha garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Oomaar ayaa sheegay in diyaaradda oo ay la socdeen illaa 4-qof oo isugu jira duuliyeyaasha iyo shaqaale ay labo ka mid ah soo gaareen dhaawacyo fud-fudud.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inuu burbur diyaaradda dhacday ka soo gaaray qeybta hore, kaddib markii ay ku dhufsatay derbi shub ah oo ah xayndaabka garoonka.

Wasiirka gaadiidka duulista hawada Soomaaliya ma shaacin sababta dhalisay shilkaasi ku yimid diyaaradda oo ku sii jeeday magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Diyaaradda oo uu numberkeedu yahay 5Y-MHT ayaa u diiwaan-gashan shirkadda Silverstone ee dalka Kenya ee dalka Kenya, basle waxa ay u kireysneyd shirkad Soomaali ah oo la yiraahdo Saacid Airlines, sida ay Warbaahinta u xaqiijiyeen ilo wareedyo rasmiyi.

Si kasbataba ha’ahaatee muddooyinkii dambe ayaa waxaa sii badanayey shilalka diyaaradeed ee ka dhaca gudaha Soomaaliya, waxaan ugu dambeeyey mid kii ka dhacay garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif, magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

 

119729783_3357722060983843_7823884836013119882552_3357721677650548_6099739429471119893000_3357722344317148_3018395703302

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this