Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Mahdi Maxamed Guuleed oo magacaabay guddi cusub + Ujeedka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Sii hayaha Ra’iisul wasaaraha Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta magacaabay guddi cusub oo ka shaqeyn doono qaban-qaabada munaasabadda xil wareejinta ee Ra’iisul wasaaraha cusub.

Xubnaha guddiga ee la magacaabay oo heer wasiir ah ayaa waxaa ka mid ah sii hayeyaasha xilal ka wasiirada dhalinyarada, gaashandhiga, qorsheynta, dastuurka, duulista hawada iyo caddaaladda.

Sidoo kale guddigan ayaa waxaa la faray inuu si deg-deg ah u guda galo waajibaadka shaqo ee loo igmaday, gaar ahaan sidii ay u dhici laheyd munaasabadda xil wareejinta.

Sida ka muuqata xubnaha guddiga kama mid ahan wasiiradii ugu dhowaa Xasan Cali Khayre, sida wasiirka amniga iyo kan arrimaha gudaha Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa habeen hore Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya u magacaabay Mudane Maxamed Xuseen Rooble, kaas  oo bedalaya Khayre oo xafiiska joogay saddex sano ka badan.

Rooble ayaa waxaa horyaal shaqooyin adag, sida arrimaha doorashooyinka ee 2020/21, wuxuuna heystaa muddo aad u kooban, marka la’eego muddo xileedkiisa.

119730727_2799142093650240_4072041320039 119851769_2799142160316900_5534951197179 119859756_2799142080316908_3178352965423

 

 

The post Sawirro: Mahdi Maxamed Guuleed oo magacaabay guddi cusub + Ujeedka first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this