Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo gargaar gaarsiinaya gobolka Shabeelaha Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa sheegtay in iyada oo kaashaneysa barnaamijka cuntada adduunka ee WFP ay raashiin siineyso dadka ku barakacay fatahaada gobalk Shabeelaha hoose.

Qoraal safaaradu ay dhigtay barteeda Twiterka ayaa lagu sheegay in raashin ay siinayaan in ka badan labo kun oo qoys kuwaas oo qeyb ka ah kumnaanka kun ee ku barakacay fatahaadaha daran ee gobolka.

Fatahaadaha  ka dhacay soomaaliya laga soo billaabo bishii febaraayo ee sanadkan 2020-ka waxaa ay saameeyeen dad lagu qiyaasay 650,000 (Lix boqol iyo konton kun) sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Gobollada hodanka ku ah wax soo saarka beeraha ee labada Shabeelle ayaa ka mid ah meelaha ugu daran ee fatahaadu saameysay.

Dhul beereed dhan 75,000 (Todobaatan iyo shan kun) oo hektar ayaa sidoo kale ku baa ba’ay fatahaadaha wabiga Shabeelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this