Sign in to follow this  
Deeq A.

Shiinaha Oo Dhoolatus Millatari Ka Bilaabay Badweynta Taiwan, Xilli Wefti Maraykan Ahi Ku Sugan Yahay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Taiwan)-Dalka Shiinaha ayaa dhoolatus milatari ka bilaabay meel u dhow Badweynta Taiwan jimcihii shalay, xili sarkaal sare oo Maraykan ahi ay shirar heer sare ah ay kula qaateen magaalada Taipei masuuliyiin ka tirsan Taiwan.

Dawlada Shiinuhu waxay si xoogle u cambaaraysay xidhiidhka adag ee u dhexeeya Taiwan iyo Maraykanka, waxaanay ku andacoonaysaa in Taiwan tahay gobol ka tirsan dal weynaha Shiinaha.

Wasaaradda gaashaandhigga ee Taiwan ayaa sheegtay in 18 diyaaradood oo laga leeyahay dalka Shiinaha ay ku lug lahaayeen dhoolatuskii jimcihii, tiradan oo aad uga tiro badan tan ay Taiwan hore u shaacisay ee ay la kulantay.

Waxaana duulimaadyadaasi diyaaradaha Shiinuhu ay ku mareen meel u dhaw Taiwan ka qayb qaatay tiro noocyo kala duwan oo diyaaradaha dagaalka ee dalka Shiinaha ah.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this