Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Maraykanka Oo Ku Adkaysatay Inay Dalkeeda Ka Mustaafuriso 39 Qof Oo Soomaali Ah

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)-Waaxda amniga gudaha dalka Maraykanka ayaa jawaab ka bixiyay warqad Ilhan Omar u dirtay Laanta Socdaalka iyo Kastamada dalka Maraykanka, taasoo ay ku muujinaysay walaaca ku saabsan mustaafurinta muwaadiniin Soomaalida ah oo dalka Maraykanka ku nool.

Waaxda amnigu waxay sheegtay in la saarayo 39 muwaadin oo Soomaali ah, oo 36 ka mid ahi leeyihiin taariikh dembiyeed oo ay kamid yihiin, dil, kufsi, gacan ka hadal, xadgudub jinsi, dembiyo ka dhan ah carruurta, ka ganacsiga daroogada, iyo taageerada urur argagixiso.

Waxay sheegtay shakhsiyaadkan inay abuureen dhibaatooyin aan la tirin karin oo khatar weyn ku ah shacabka Mareykanka, oo ay ku jiraan shacabka Soomaalida ee ku nool gobolka Minnesota.

Waaxda amniga gudaha, waxay kaloo sheegtay inay la shaqeyneyso dowladda Soomaaliya si loo tijaabiyo caafimaadka dhammaan muwaadiniinta Soomaalida ee dib loogu celinayo dalkooda.

Waxay tilmaamtay Maxbuus kasta oo ku guul-dareysta inuu ka gudbo baadhitaanka caafimaadka ama looga shakisan yahay inuu qabo xaalad caafimaad oo suuragal ah inuu u gudbiyo maxaabiista kale ama shaqaalaha, loo diidayo inuu raaco duulimaadka, si baadhitaan loogu sameeyo.

Ilhan Omar ayaa warqadeeda ay dirtay waaxda socdaalka Maraykanka waxaa ku jirtay inay cabsi ka qabto in maxaabiista laga mustaafurinayo Maraykanka ay cudurka Covid 19 ku faafin karaan dalkooda.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this