Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Belarus Oo Xidhatay Xuduudaheeda

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Belarus)-Xukuumadda Lukashenko ayaa xidhay xuduudaheeda galbeed iyadoo sheegtay inay ka horgateygso faro-gelinta kaga imaneysa dalalka reer galbeedka.

Xuduuda Belarus la wadaagto dalalka Poland iyo Lithuania ayaa gebi ahaan la xidhay, wuxuuna Madaxweynaha Belarus Lukashenko heegan sare geliyey ciidammadiisa.

Tilaabadan ayaa imaneysa xili 6dii toddobaad ee lasoo dhaafay ay shacabka waddanka Belarus ay wadeen mudaharaad lagaga soo horjeedo Madaxweyne Lukashenko oo dalkaasi kasoo talinayey 26kii sanno ee lasoo dhaafay.

Doorashadii Belarus ka dhacday bishii Agoosto ayaa keentay banaanbaxyo ay shacabka dhigayaan kuna diidan yihiin xukuumada Lukashenko oo cabudhin ku heysa dadka rayidka ah oo doonaya inay helaan xoriyad lamid ah tan ay heystaan shacabka dalalka kale ee reer Yurub.

Lukashenko oo isagu kamid ahaa hogaamiyayaasha faro-ku-tiriska ah ee kasoo hadhay Dowladii Sofiyeetka ayaa aaminsan in banaanbaxyada dalkiisa ka socda laga soo abaabulay waddamada reer galbeedka, wuxuuna taageero dhaqaale iyo millatari ka helayaa hoggaamiyaha Ruushka, Vladimir Putin.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this