Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Wararkii u dambeeyey diyaarad ku dhacday garoonka Aadan Cadde

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa faah faahino dheeraad ah laga helayaa shil diyaaradeed oo goor dhow ka dhacay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Shilka ayaa yimid, kadib markii diyaaradda oo uu oo nuuceedu yahay 5Y-MHT ay ku dhacday darbiga ama xeyndaabka garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in diyaaraddaasi laga soo saaray illaa afar qof oo labo ka mid ah ay dhaawacyo yihiin, waxaana dadka la soo  bad-baadiyey ku jiro duuliyaha iyo caawiyihiisa, sida ay Caasimadda Online u sheegeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Sidoo kale waxaa gurmad deg-deg ah u fidiyey diyaaraddaas howl-wadeenada garoonka, si uusan  dab uga kacin.

Sida aan xogta ku helnay diyaaradda oo ah kuwa yaryar ayaa waxaa adeegsanayey xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

lama oga sababta rasmiga ah ee dhalisay shilkaasi diyaaradeed, balse waxa loo badinayaa cilad ku timid diyaaradda.

Si kasbataba ha’ahaatee muddooyinkii dambe ayaa waxaa sii badanayey shilalka diyaaradeed ee ka dhaca gudaha Soomaaliya, waxaan ugu dambeeyey mid kii ka dhacay garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif, magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

119729783_3357722060983843_7823884836013 119882552_3357721677650548_6099739429471 119893000_3357722344317148_3018395703302

 

The post Sawirro: Wararkii u dambeeyey diyaarad ku dhacday garoonka Aadan Cadde first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this