Sign in to follow this  
Deeq A.

Weerar khasaare geystay oo xalay ka dhacay magaalada Beledweyne

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xalay weerar loo adeegsaday bam-gacmeed uu ka dhacay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Weerarka ayaa si gaar ah loola bartilmaameedsaday goob maqaaxi oo la sheegay inay ku sugnaayeen askar iyo dad shacab ah.

Ugu yaraan hal qof oo haweeney aheyd ayaa ku geeriyootay qaraxaas, iyadoona ay ku dhaawacmeen saddex qof oo kale, sida ay xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya inay goobta isaga baxsadeen kooxdii ka dambeysay weerarka, kadib falkaasi.

Muddooyinkii dambe ammaanka Beledweyne ayaa faraha ka sii baxayey, waxaana gudaha magaaladaasi ka dhacayey weeraro iyo dilal qorsheysan intaba.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this