Sign in to follow this  
Deeq A.

Weerar geystay khasaare dhimasho & dhaawac oo ka dhacay Beledweyne

Recommended Posts

Deeq A.   

Beledweyne (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weerar loo adeegsaday bam-gacmeed oo xalay ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Beledweyne oo caasimad u ah gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Weerarka ayaa ka dhacay xaafadda Suuqa Xoolaha ee magaaladaasi, kadib markii rag hubeysan ay  bambo ku tuureen maqaaxi ay ku sugnaayeen askar iyo dad shacab ah.

Inta la xaqiijiyey ugu yaraan hal qof oo haweeney ahayed ayaa ku geeriyootay qaraxaas, halka ay ku dhaawacmeen saddex qof oo kale.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya inay carareen kooxdii ka dambeysay falkaasi oo si aayar ah uga baxsaday meesha ay wax ka dhaceen.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi.

Goonta qaraxa lagu weeraray waxaa ka agdhow saldhig ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa Jabuuti ay ku leeyihiin magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Weli ma jiro wax faah faahin ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha amniga iyo maamulka degmada intaba.

Beledweyne ayaa waxaa inta badan ka dhaca weeraro iyo dilal qorsheysan, kuwaas oo qeyb ka ah falalka ammaan darri ee ka dhacay gudaha magaaladaasi.

The post Weerar geystay khasaare dhimasho & dhaawac oo ka dhacay Beledweyne first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this