Sign in to follow this  
Deeq A.

Jaaliyada ku dhaqan Magaalada Bristol oo Dhaqaale ugu deeqay Magaalada Sallaxley

Recommended Posts

Deeq A.   

Jaaliyada ku dhaqan Magaalada Bristol oo Dhaqaale ugu deeqay Magaalada Sallaxley

IMG-20200918-WA0010-300x225.jpg

Jaaliyada ku dhaqan Magaalada Bristol oo ka jawaabaya dhibaatadii ay Dabaylaha iyo Daadadku dhawaan u geysteen Degmada Sallaxley ayaa ku deeqay lacag dhan Sideed Kun iyo Shan Boqol iyo Lixdan Doollar (8,560 US dollars ).

Jaaliyada reer Bristol oo Caan ku ah inay mar kasta ka qayb qaataan kaalmada looga baahdo xilliyada adag, ayaa iyaga oo isku duubban oo gacmaha is haysta sidii caadada u ahayd markiiba isu kaashaday sidii ay Walaalahooda reer Sallaxley gacan ugu fidin lahaayeen.

Waxaan Mahadnaq iyo Duco u dirayaa Qof kasta oo arrintan gacan ka geystay ee wax ku darsaday, waxaanan Allah ka baryayaa inuu Ajar iyo Xasanaad ugu bedelo Tabarucaadkooda.

Waxaan si gaar ah uga Mahadnaqayaa Gudida hawshan isku duba riday ee Geesiyaasha ah ee uu hormuudka u ahaa Mudane Mohamed Abdi Sayaqle ee ay ka mid yihiin;

Bashir Abade , Said Burale, Nasir Mohamed Aden ,Abdi Omar Mohamed, Osman Ozzy, Asad Gurruuse, Mohamud Mataan Jaamac, Xasan Haaruun, Mahad Jama iyo cid kasta oo hawshan gacan ka qayb qaadatay.

Jaaliyada reer Bristol dhawaan ayuun bay ahayd markii ay sidan oo kale iyaga oo isku duuban oo gacmaha is haysta ay lacag Tobon Kun oo Doollar ah ugu deeqeen si wax looga qabto Xanuunkii Covid-19 ee Somaliland soo food saaray.

Waad Mahadsan tihiin
Amb Kaysar Cabdilaahi Maxamed
Bristol

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this