Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo oo magacaabay Ra’iisul wasaare cusub

Recommended Posts

Deeq A.   
1-8.jpg?resize=550%2C414&ssl=1

Madaxweyne Farmaajo  ayaa waxa uu magacaabay Wasiirka Koowaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, kaddib markii Golaha Shacabku ay kala laabteen kalsoonida Xukuumaddii hore 25-kii bishan Luuliyo 2020.

Qoraal ka soo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in  kadib markii Madaxweynuhu  la-tashiyo badan ka sameeyey uu xilka Ra’iisul wasaaraha u magacaabay Maxamed Xuseen Rooble, isaga oo ku soo xushay aqoonta, waayo aragnimada iyo kartida uu u leeyahay inuu sii ambaqaado dadaallada dowlad dhiska iyo horumarinta qorsheyaasha Qaran.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa faray Raiisul Wasaare Rooble In uu deg-deg ku soo dhiso Xukuumad tayo leh oo dalka horseedda in ay ka dhaqan geilso doorasho , dadaal muuqdana gelisa sidii loo xoojin lahaa guulaha laga gaaray amniga, dib u dhiska Ciidamada Qalabka sida, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, baahinta adeegyada aas-aasiga ah, kamiro dhalinta dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo musuqmaasuqa” ayaa lagu yiri Qoraalka.

Mudane Farmaajo ayaa ku adkeeyey shacabka Soomaliyeed, hay’adaha Dowladda iyo indheer garadka dalka in ay ku garab istaagaan Raiisul Wasaaraha cusub gudashada waajibaadka Dastuuriga ah ee horyaalla, isaga oo ugu duceeyey in uu ka soo dhalaalo masuuliyadda adag ee ku aaddan u adeegidda dalka iyo dadka.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Farmaajo oo magacaabay Ra’iisul wasaare cusub appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this