Sign in to follow this  
Deeq A.

Jubbaland iyo Puntland oo doorashada kala hadlay Beesha Caalamka

Recommended Posts

Deeq A.   

Xirsi Jamaca Gaani wasiiru dowlaha madaxtooyada maamulka Jubbaland iyo wasiiru dowwlaha wasaaradda Maaliyada maamulkaPuntland Maxamed Cabduqaadir Cismaan oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay la kulmeen wakiilka Qaramada Midoobay u u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan, safiirka Uk Ben Fender, safiirka Mareykanka Amb, Donald Yamamoto iyo safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Somalia Nicolas Berlange.

Labada Wasiiru dowle oo ka mid ah wafdiga magaalada Muqdisho ee madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa waxaa ay xubnaha Beesha Caalamka kala hadleen kobcinta dhakhliga gudaha, dayn cafinta Soomaaliya, deeqaha aduunku ugu deeqo Soomaaliya, horumarka laga sameeyey dib u habeynta hannaanka Maaliyada Puntland iyo arimaha Siyaasada Soomaaliya ee xiligaan taagan oo ay kamid yihiin arrimaha doorashooyinka.

Sidoo kale xubnaha Beesha Caalamka waxaa ay ballan qaadeen in taageero ay u fidin doonaan Maamulada Puntland iyo Jubaland, sida amniga iyo dhaqaalaha.

Muqdisho ayaa waxaa haatan ka socda shirweyne wada-tashi ah oo u dhexeeyo dowladda fedetaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this